Fursadaha Ka Dhalanaya Go’aammadii Shirka GAR-XAJIS

0
1722

Shirkii Dal-wanaaje ee Beel-weynta GAR-XAJIS waxa la soo gunaanaday Khamiista Maanta oo ku beegan 27 October 2022.

Shirku wuxuu ahaa Shir-beeleed, laakiin waxa ka soo baxay Qodobbo Siyaasi ah oo khuseeya sida loo soo kala horraysiinayo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.

Sharci iyo Sharci la’aan kama hadlayo, laakiin Qodobka ugu xaasaasisan ee Shirka ka soo baxay wuxuu ahaa ‘In Haddii marka koowaad dalka laga qaban waayo Doorashada Madaxtooyada, inaan degaannada Beeshu degto laga qaban karin doorashada kale ee Ururrada siyaasadda’.

Qodobkaa aan xusay, waxa ka dhalanaya su’aalo badan oo ku taxan khilaafka doorashada ka taagan iyo Mustaqbalka dhow.

Laakiin, su’aasha ugu mudan waxa weeyaan, Haddii qayb ka mid ah Beesha GAR-XAJIS go’aansatay in aan Doorasho ta Madaxtooyada ahayn laga qaban degaankooda, maxaa diidaya in Beelaha kale ee danaynaya Furista Ururraduna go’aansadaan inaan degaannadooda laga qaban karin Doorasho aan ta Ururrada siyaasadda ahayn ?

Jawaabta su’aashaas ka dhalanaysaa ma noqon kartaa, in Go’aannada Shirka DAL-WANAAJE fursad u abuureen Madaxweynaha xilka Qaranka haya.

Fursaddaasi waxay noqon kartaa, in danaha Reeraha ee is-diiddani ay sababaan inaan Muddo dheer dalka doorasho ka dhicin, taasina ay guul-darro siyaasadeed oo kale ku tahay Cidda danaynaysa doorashada Madaxtooyada ee qabashadeeda hadalku ka taagan yahay?

Sidaa darteed, Anigu shaqsi ahaan waxaan is leeyahay, haddii Maanta laga hadlayo muddo kordhinta 2-da sannadood ah, in go’aammada Shirka DAL-WANAAJE abuurayaan fursad kale oo dan u ah Madaxweynaha.

W/Q: Cabdiqaadir Aadan Carab

Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso tan Hargeisapress. Hargeisapress, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada.

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY