Furitaanka Kal-fadhiga 43-aad Ee Baarlamanka Somaliland oo Dib Loo Dhigay

0
1859

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta dib loo dhigay kalfadhigii 43-aad ee Baarlamanka Somaliland,  Kadib markii la shaaciyay in loo hakiyay xanuunka Coronavirus ee kusii faafaya Somaliland.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee golaha Wakiilada Somaliland ayaa lagu sheegay in sababa la xadhiidha xaaladda ay Somaliland mareyso iyo saameynta habsami u socodkii shaqada dowladda uu ku yeeshay COVID-19 darteed dib loo dhigay kalfadhigii furmi lahaa.

Somaliland waxaa si aad ah ugu fidaya xanuunka Coronavirus kaas oo soo ritay dad badan, halka tobaneeyo qofka ay u dhinteen.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay in laba kamid ah golaha wasiirrada laga helay  xanuunkaas, taas oo muujineysa halista ah in cid walba uu haleeli karo COVID-19.

Warqadda lagu sheegay in dib loo dhigay xilligii uu furmi lahaa kalfadhiga Baarlamanka Somaliland,  laguma shaacin xilliga kale ee loo qorsheeyay in si rasmi ah loo furo.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY