Buuhoodle (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus oo u dhexeeya laba beelood uu halkaasi ka dhacay.
Dagaalkan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu u dheexayay laba beelood oo halkaasi wada dega oo in mudo ahba dhextaalay colaad lagu riiqday.
Dagaalkan beeleedkan oo ka dhacay deegaanka Gacondhaale oo waqooyi kaga beegan magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan Hal qof halka qof kalena uu ku dhaawacmay.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in beel ka mid ah labada beelood ay weerar rogaal celin ah oo ay qaadeen ay laba qof ku dhaawacmeen.
Xiisadan beelood oo aad looga dayrinayo ayaa laga cabsi qabaa in ay colaadu ka sii darto, iyadoo ay labadan beelood colaad lagu riiqday hore u dhex martay mudo haatan laga joogo tobaneeyo sano.
Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in Waxgaradka deegaanka Buuhoodle ay wadaan dadaal ay ku doonayaan xakamaynta colaada labada beelood oo si aad ah u wada dega waqooyiga magaalada Buuhoodle.