Faysal Cali Waraabe: “Muuse Biixi Wuxuu Doonayaa Xisbiyo Yaryar oo Bilaa Sharciya Inuu Sameysto”

0
753

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Biixi, isagoona sheegay in Hadalka madaxweyne Muuse Biixi uu ku sheegay in xisbiya cusub la furayo iyo arrima la xidhiidha uu yahay mid sharciga ka hor imanaya go’aankaasina uu uga gol leeyahay xisbiyada hore u jiray ee labada ah uu meesha ka saaro uu sameyso xisbiyo yaryar oo bilaa sharci ah inuu sameysto.”

“Marka sharci buu isagu madaxweyne ku ahaa annaguna sharci baan ku ahayn xisbiyo siyaasadeed oo shahaada sidatee, hadduu sharciga jabiyo uu kaa keeno isna madaxweye ma noqonayo, marka ninkan dalka uma wado wanaag marka waanu ka hortageynaa wana ka badbaadineynaa dalka.” ayuu yidhi gudoomiye Faysal.

“Waxaan arkeynaa madaxweynuhu inuu waddanka burbur uu ku wado, burburkaana waan ka hortageynaa markaan soo qaadanno waxyaabaha uu sameeyey laba sana iyo barka u joogay.”

“Talada dalka waa la wada leeyahay annaga ayaa u oggolaannay inuu madaxweyne yahay haddaanan aqbalin madaxweyne muu noqdeen, waa inuu dadku mideeyaa anaga nala fadhiistaa, reer Somaliland oo dhan dib u wada fadhiisannaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

 

Hargeisa Press Desk /Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here