Ergo Ka Kala Socota Saylici iyo Wasiir Saajin oo Ay Wada-Hadalo Uga Bilaabmeen Hargeysa

0
2095

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ergo ka kooban 20 xubnood oo kala socda Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayay Shalay kulamo uga bilaabmeen Magaalada Hargeysa.

Sida ay ilo-wareedo xog-ogaal ahi sheegeen, Ergadan oo ka kooban 20 xubnood oo kala kala ah Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa shalay kulankoodii koowaad ku yeeshay Magaalada Hargeysa, waxaanay ka wada-hadlayaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa aragtiyaha kala fog ee Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ee salka ku haya Tartanka kursiga 4-aad ee Hoggaanka xisbiga Kulmiye, waxaanu kulankooda Shalay ahaa Qado iyo fadhi.

Ma jiro, weli war rasmi ah oo ay soo saareen Ergadani oo dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Awdal, isla-markaana ay soo xuleen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga oo mid walba soo Magacaabay 10 Xubnood oo isugu jiro 4 Aqoonyahan iyo 6 Madax-dhaqameed, waxaana suurto-gal inay Isfahan ka gaadhaan Tartanka kala irdheeyey Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in haddii Ergadani ku guul-daraystaan inay isfaham dhex dhigaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ay arrintan la wareegi doonaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Go’aan kama dambays ah ka soo saari doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here