Fiditaanka Magaalada Hargeysa oo La Joojiyay

0
1863
Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddida nashaqadeynta dhulka ee Somaliland ayaa waxaa ay go’aamo culus ka soo saareen qorsheyaasha magaalooyinka dalka.
Guddidan oo maanta fadhi ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay ku joojiyeen qorsheynta magaalooyinka dalka iyo fiditaanka caasimada Hargeysa, waxaanay xayiraad saareen beeraha la qorshaynayo.

Guddidan oo ka kooban xubno wasiirro ah ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyyenta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi).

Kulankan ayaa markii uu soo dhamaaday waxa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii kulankaas looga hadlay iyo go’aamada laga soo saaray, Wasiirka Hawlaha Guud, wuxuuna sheegay inay hakiyeen qorsheynta magaalooyinka dalka marka laga reebo afar magaalo ee kala ah, Gabiley, Tog-Wajaale, Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Sidoo kale, wasiir Qambi ayaa sheegay in ay joojiyeen fiditaanka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoona intaas ku daray in aan dhismayaasha la dhaafin karin halka ay hada marayaan.

Waxa kale, oo uu wasiir Qambi sheegay in dhamaan qorsheynta Beeraha ee Hargeysa la joojiyo ilaa laga sameynayo qorshaha guud ee loo yaqaano Master Plan, si deg-deg ahna loo diyaariyo sidii loo hirgelin lahaa qorshahaas guud ee caasimadda lana dhamaystiro wixii ka dhiman.

Guddidaasi ayaa fartay wasaaradda Hawlaha Guud in ay soo dhaystirto xeerka iyo siyaasada lagu maamulayo dhulka, waxayna guddidaasi amartay maayarada magaalooyinka dalka in ay soo gudbiyaan dhulkii danta guud ahaa ee ay hore u qorsheeyeen dhamaana go’aamadii hore ee guddidaas ka soo baxay ay yihiin sidoodii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here