Ergayga Midawga Yurub Ee Somaliland iyo Somalia Oo Madaxweynaha Kala Hadlay Qabsoomida Doorashada + SAWIRRO

0
1274

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta la kulmay Wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Michele Cervone d’Urso oo uu weheliyo Safiirka Nairobi ee Ingiriiska Mr Neil Wigan.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta EU-du ka wada hadleen arimo ay ugu muhiimsan yihiin wakhtiga doorashooyinku dhacayaan iyo Guddida Madaxweynuhu u magacaabay Komishanka.

“Waxyaahaba ugu waaweyn eenu ka wada hadalay waxaa ka mid ahaa Doorashooyinka iyo wakhtiga ay dhacayaan iyo Dadka Cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashada oo ay aad ugu faraxsan yihiin inay dumarna ku jiraa.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

silaanyo iyo yu

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay Cilaaqaadka iyo Mashaariicda ay Midawga Yurub nala wadaan.Madaxweynaha iyo Safiirku waxay isla garteen in Doorashooyinku wakhtigoodii dhacayaan, Dadaal xoog lehna aanu samaynayno oo aanu ku dededaalayno in doorashadu wakhtigeedii dhacdo”

arimaha dibada iyo ergayga midawga

Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa isna sheegay in kulanka Madaxweynaha uu la qaatay ay xoogga ku saareen sidii loo sii wadi lahaa hanaanka Dimuqraadiyadaynta iyo in wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen. Waxa uu sheegay in Kulamo uu la yeeshay Xisbiyada qaranka, Warbaahinta iyo Bulshada rayidka ah islamarkaana ay ka go’an tahay in doorashada la qabto sanadka loo asteeyay ee 2015-ka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here