Wasiirka Maaliyadda Oo Ballan Qaaday Inuu Wax Ka Qabanayo Baahiyo Ka Jira Xarumo Agoomaha iyo Caafimaadka Gabiley Oo Uu Kormeeray

0
801

Wasiirka Maaliyadda SomalilandGabiley, (HargeisaPress) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta socdaal uu ku yimid Gabiley ku kormeeray Xarunta Caruurta Agoomaha,Jeelka iyo Cisbitaalka Gabiley. Waxa uu halkaasi kaga dhegaystay Masuuliyiinta xarumahaasi cabashooyinkooda, isagoo meelaha ay wax kala qaban karaana u balanqaaday.

Wasiir Samaale waxa uu sheegay inay wax kala qaban doonaan Cisbitaalka Dhanka shaqaalaha “Nidaamka Shaqaale,kolayba dalkaba shaqadu way inagu yartay ,runtii Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Waxbarashada ayaa ugu yar badan laakiin,iyaguna dad Dakhasus ah oo Jaamacaddaha ka soo baxay ama ha noqdeen Macalimiintii Jaamacaddaha wax ka dhigaysay ama Inamaddan Caafimaadka ka soo baxa Jaamacaddaheena Camuud ama ta Hargeysa ayay qaataan laakiin,sanadkan maba jiraan hadday jiraana aad bay u yaryihiin, hase ahaatee duruufta khaaska ah ee dadkaas idinka haysata Badhasaabka ayaydu u soo dhiibi Insha Allah,dadkaas Shaqaalaha hoose ah ee Dhakhtarka jooga een Mushahar qaadana Badhasaabka soo mariya aniga iyo Wasiirka ayaa isla Eegi doona” ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Dhanka kalena Haweenayda Maamusha Xarunta Agoomaha ee Gabiley ayaa Wasiirka u sheegtay inay Caruurtu u baahan tahay Meelaha lagu maydho,farmasii iyo Dawaarada dharka lagu tolo, iyadoo sidoo kalen ay jiraan baahiyo kale.

Wasiirka ayaa isna ku dheeraaday sida ay Ajarka  u leedahay cida Agoomaha Taageero u fidisa “Agoonta cida wax tarta iyo cida la shaqaysaba iyo cida u shaqaysa iyo cida wax siisaba Rasuulku SCW wuu amaanay,Rasuulkeenu Isagaa Agoonimo ku soo koray oo bilaa Aabbe iyo Bilaa hooyo ku soo koray,markaa Qiimaha agoonka ayaad garanaysaa, aad iyo aadna Rasuulku wuxuu u amaanay Qofka Agoonka caawiya ee wax u tara” ayuu yidhi Wasiir Samaale

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here