Duufaan iyo Roobab Laga Digay Inay Ku Dhuftaan Somaliland

0
1316

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ka hadlay roobab la filaayo in ay dalka ka da’aan iyo arrimaha isbedelka cimilada ee jira.

Wasiirka Beeruhu waxa uu sheegay in wasaaraddu ay marwalba diyaar u tahay in ay bulshada la socodsiiso isbedelka cimilada iyo saadaasha la filaayo, iyada oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Wasiirka, ayaa sheegay in la saadaalinayo dufaanta loogu magacdaray Aliino, taas oo ay barbar socdaan roobab Mahiigaano ah oo uu sheegay in ay sababi karaan daadad keeni kara dhibaatooyin waxyeelo geysan kara, saamaynna ku yeelan kara meelo adduunka kamid ah oo ay Somalilandna kamid tahay.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in saadaashu sheegayso in Duufaanta Aliino la saadaalinayo bilaha October iyo November.

Wasiirka, ayaa sheegay in Duufaanta Aliino ay Somaliland ku soo gaadhi doonto hab roobaad la mid ah roobabkii da’ay dayrtii biyo badanta.

Dadka reer Somaliland, ayuu wasiirku u soo jeediyey in aanay ka qaadin wax cabsi ah, waxaanu beeraleyda ka codsaday in ay ka faa’iidaystaan xili roobaadyada la saadaalinaayo.

May be an image of map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here