Siyaasadda Ka Dambaysa “Oonta Xoolaha Hala Joojiyo, Khudaartana Hala Badsado”

0
1582

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa in khudaarta lagu ekaado ayaa ay ka dambaysaa sababo dhawr ah oo ka yimi siyaasado iyo aaminaad ay kooxo dhawr ahi qabaan. Tusaale ahaan, waxa jira qolo aamminsan xuquuqda xoolaha – in xooluhu xaq u leeyihiin in ay nabad ku noolaadaan oo aan la dhibin, iska daa in la qasho e, si dhibaatadan ay xoolaha uga dulqaadaanna wax ay aad ugu ololeeyaan in aan loo dhawaan oonta xoolaha “veganism”. Ururada PETA (People for the Ethical Treatment of Animals) uu kamid yahay baa halkan ku tagey.

Kooxo kale ayaa ololaha ku jira iyaga oo ay hagayso siyaasado la xidhiidha deegaanka. Waxa ay ku Doodaan in shirkadaha xooluhu ay qayb weyn ka yihiin isbeddelka cimillada iyo dikhawga hawada, dhibaatadanna lagu yarayn karo in la yaraysto adeegsiga oonta xoolaha ee hilibka iyo subaga iyo kuwo kale ba leh, loona guuro dhanka khudaarta. Dhukumentiriga “Cowspiracy’ ayaa arrintan sii iftiiminaya.

Qolo kale waxa ay aaminsan yihiin in cuntada dunidu ba yaraanayso, dadkuna aanay heli doonin wax ay ku noolaadaan, xalna waxa ay u arkaan in khudaarta la beerto lagana soo wareego dhaqashada xoolaha.

Kuwo kale ayaa sinnaan bulsho ka dhex arka dhulka oo la beerto, maaddaama dhul la wada haysto balse

Xoolo dareera, aan la wada lahayn. Ugu dambayn, waddamo aan lahayn waxsoosaar xooleed ayaa khudaarta ay beeraan si ay dhaqaale  ay uga sameeyaan saxaafadda aad ugu faafiya dicaayadda oonta xoolaha iyo aammaanta khudaarta.

Mohamed Mukhtar Ali

Medical Doctor | Co-founder of Egen Agency | Host/Producer of Aqoon iyo Afgarad Podcast | Healthcare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here