Xabad Joojin Lagaga Dhawaaqay Deegaanka Cali-saahid

0
879

Burco (Hargeisa Press)- Maamulka Gobolka Togdheer iyo Madaxda dhaqanka beelihi walaalaha ahaa ee dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee Hawdka gobolka Togdheer, ayaa ku dhawaaqayΒ Β  Xabad-joojin rasmiya iyo go’aamo saldhig u ah nabadgelyada.

Madax dhaqameedka labada beelood, ayaa sheegay inay gaadheen Xabad-joojinn rasmiya, isla markaana uu ka danbeeyo heshiis rasmiya oo aan soo noq noqosho lahayn, waxaanay dowladda ka codsadeen inay ku maamuusho heshiisyadaasi si ay u noqdaan kuwa dhaqan-galla, sidoo kale waxa ay u mahadnaqeen cidkasta oo gacan ka gaysatay in Xabad-joojintani hirgasho.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahim (Nafaqo), ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan soo dhaweynayaan Xabad-joojinta ay ku dhawaaqeen madax dhaqameedka beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer.

Waxaanu xusay in ay ka maamul ahaan ku maamulayaan go’aamada maanta siwada wada jirka ah ay u soo saareen madax dhaqameedku, ciddi ka hor timaadana ay tallaabo kaqaadi doonaan.

Taliyayaasha qaybta booliska iyo asluubta ee gobolka Togdheer, ayaa sheegay inay siwada jira u soo dhaweynayaan Xabad-joojinta ay kala saxeexdeen madax dhaqameedka beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee Hawdka Gobolka Togdheer.

Waxaanay geesta kale ay tilmaameen ka ciidan ahaan in ay la qaateen go’aamada lagu sugayo amniga ee la kala qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here