Dowladda Itoobiya oo bogaadisey Madaxweynaha Somaliland ee la doortay

0
1038

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda federaalka Itoobiya, ayaa waxaa ay dhambaal boggaadin ah u soo dirtay madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya oo bayaamisay iyadoo ku hadlaysa magaca shacbiga iyo dawladda Federaalka Itoobiya ay madaxweynaha la doortay ee Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Cirro) ku bogaadinayso doorashada madaxtooyada ee uu ku guulaystay.

Sidoo kale, waxa Dawladda Itoobiya ay  hambalyeysay madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Madaxweyne Muuse Biixi  dimuqraadiyadda tusaalaha mudan iyo rag qarameednimada ay soo bandhigeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, ay sheegtay in ay u rajaynayso xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu ku guulaysto muddo xileedkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here