Dil Laba Qof oo Soomaali Ah Loogu Geystay Mareykanka

0
997

Washington (Hargeisa Press) – Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya laba nin oo Soomaali ah, kuwaa oo saacadihii la soo dhaafay si isku mid ah loogu kala dilay magaalooyinka Indianapolis iyo Seattle Washington ee dalka Mareykanka.

Qofka koowaad oo lagu magacaabayay Cabdukadir Filanwaa kaasoo ahaa darawal ku shaqeysta gaadiidka Tagaasida, ayaa waxaa lagu toogtay magaalada Indianapolis.

Booliska, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba qof oo mid ahayd dumar kuwaas oo lagu kala magacaabo James Riley iyo Alysianna Martin kuwaas oo looga shakisan yahay inay dilka geysteen kadib markii laga dhex arkay kaamiro ku xidhnayd baabuurka uu waday marxuunka la dilay.

Muuqaalo ay duubtay kaamirada, ayaa laga dhex arkay ninka dilka geystay kaasoo uu muran dhex maray marxuumka la dilay ee Cabdukadir Filanwaa.

Sidoo kale, magaalada Seattle Washington, ayaa waxaa isna toogasho lagu dilay Allaha u naxariistee Maxamed Kediye oo isaguna ahaa darawal ku shaqeysta waditaanka ganacsiga gaadiidka ee Lyft sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday booliska.

Wakhtiga la dilayay marxuum Maxamed Kediye, ayaa la sheegay inuu qof ku waday baabuurka, waxaana laga dhex toogtay gaadhi kale oo garabkiisa marayay sida ay sheegeen Soomaali goob joog u ahaa halka uu dilka ka dhacay.

Weli gacanta laguma soo dhigin qofkii ka dambeeyey dilka marxuum Maxamed Kediye sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska magaalada Seattle, balse waxaa socda baadhitaan lagu raadinayo.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanaya Soomaalida lagu dilayo gudaha dalka Mareykanka lamana yaqaano sababta keentay dilalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here