Diblomaasi Mareykan ah oo sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya hirgelayo

0
4740

Washington (Hargeisa Press)- Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibbada Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah Somaliland ee ay waddo Jabuuti.

Tibor Nagy, ayaa sidoo kale ka hadlay kooxo maleeshiyaad ah oo ay dowladda Jabuuti tababarayso, sidii ay u hor istaagti heshiiskii isfahan ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Mr Tibor Nagy oo qoraal kooban ku baahiyay bartiisa X ee (Twitter), ayaa wuxuu sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu hirgelayo.

Diblomaasigan oo sidoo kale noqday Safiirkii Mareykanka u fadhiyay Dalalka Itoobiya iyo Guinea, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya faa’iido weyn u yeelan doono gobolka Geeska Afrika.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayuu sheegay marka uu hirgalo in uu Soomaaliya ku cadaadin doono hoos u dhac dhaqaale.

Tibor Nagy oo ah masuulkii ugu sareeyay ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald J.Ttump, uu u diro Afrika, sidoo kale ahaa Kalkaaliyaha Waaxda Arimaha Dibadda Mareykanka, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta caanka ah ee u ololeeya qadiyada aqoonsiga Somaliland.

Diblomaasigan Mareykanka u dhashay, ayaa dowladda Madaxweyne Joe Biden iyo Ururka Midowga Afrika culays xoogan ku saaray inay aqoonsadaan Madax-banaanida Somaliland.

Hase yeeshee, Jabuuti, ayaa laga dareemayaa dagaalka diblomaasiyadeed ee ka dhan ah dalka Somaliland, kadib heshiiskii isfahan ee ay wada saxeexdeen dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Bishan July gudaheeda oo keliya waa markii labaad ee uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku martigeliyo dalkiisa jabhado iyo shaqsiyaad ka dhan ah Somaliland.

Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu 30-kii sannadood ee la soo dhaafay juhdi weyn oo aan kala joogsi lahayn oo uu ku wiiqayo dedaallada siyaasadeed iyo dhaqaale, geliyay dagaalka uu ku hayo Somaliland, isagoo werwer iyo cabsi xooggan ka qaba haddii Somaliland aqoonsi hesho in taasi siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba liicin doonto dalkiisa oo haatan saldhigyo dani-ku-badday u ah quwadaha waaweyn ee adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here