Raysal Wasaaraha Itoobiya oo gaadhay dalka Suudaan

0
817

Khartoum (Hargeisa Press)- Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay Magaalada Port Suudaan ee dalka Suudaan.

Waxaana raysal wasaaraha iyo weftigiisa halkaasi ku soo dhoweeyay madaxda dalkaasi oo u ka mid yahay madaxa Ciiddamada Suudaan Cabdifataax Al Burhaan.

Labada hoggaamiye, ayaa ka wadahadli doona sidii loo dhammayn lahaa colaadda sannadkii labaad Suudaan ka socota ee u dhaxaysa dowladda ay dunidu aqoonsan tahay iyo ciidanka Gurmadka deg deg ah ee RSF.

Sannado ka hor Suudaan waxay qorshaynaysay in ay la soo noqoto gobolka ay Itoobiyanku mudda dheer degganaayeen ee Al fashqa, balse hadda Addis Ababa, ayaa ka shaqaynaysa sidii uu dalkaasi nabad u heli lahaa.

Itoobiya waxay si adag u aaminsan tahay in dadka Suudaan ay hoggaamiyaan oo ay leeyihiin hannaan nabadeed si loo soo afjaro colaadda ka taagan Suudaan.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo khudbad uu dhawaan Baarlamaanka ka jeediyay, wuxuu wacad ku maray in dowladiisu ay ilaalinayso, isla-markaana aanay fara-gelin ku sameyn doonin siyaasadda iyo arrimaha dalka ay deriska yihiin.

Ilaa hadda ma cadda in socdaalka Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu qayb ka yahay dadaallada lagu nabadeynayo Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here