Dibad-bax lagaga soo horjeedo weerarkii Al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho

0
908

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dibad-bax lagaga soo horjeedo weerarkii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee maamulka Soomaaliya.

Dibad-baxa oo ay soo qaban-qaabisay maamulka Soomaaliya, ayaa waxaa lagaga soo horjeeday weerarkii dadka badan lagu laayay ee Jimcihii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliya iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho, ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay qaraxii lagu laayay dad badan oo rayid ah.

Dadweynaha iyo masuuliyiinta ka soo qayb galay, ayaa cambaareeyay weerarkaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid naxariis darro ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in isku soo baxan uu farriin u diray kooxda Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay u soo jeedsatay beegsiga shacabka Soomaaliya.

“Maanta shacabka halkan isugu yimid ee dhalinyarada u badan waxay muujineysaa oo ka tarjumeysaa farriina ay rabaan inay u diraan Khawaarijta, farriinta ay u dirayaan waxay tahay inay u sheegaan dalkan iyo dadkan iyagu inay iska leeyihiin” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa intaasi sii raaciya “Kooxa Khawaarijtu uma socon madax iyo ciidan ee waxa ay u badheedheen leynta shacabka”.

Dhankiisa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee maamulka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada Al-shabaab.

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta” ayuu isna yidhi wasiir dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa Jimcihii qarax iyo weerar la beegsatay dhalinyaro ku caweyneysay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dhimashada ka dhalatay weerarka kooxda Al-shabaab ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa gaadhay 40 qof iyo dhaawacyada todobaatameeyo kale.

Hoos ka daawo muuqaalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here