Somaliland iyo Uganda oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga Tamarta

0
2188

Kampala (Hargeisa Press)- Wefti ballaadhan oo ka socda dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safar shaqo ku gaadhay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Weftigan ka socda Somaliland, ayaa waxaa ka mid ah, Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Somailand Xasan Sheekh Maxamuud Suufi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid, Agaasimaha guud ee Komiishanka Tamarta Maxamed Maxamuud Cabdi.

Sidoo kale, waxaa weftiga qayb ka ah 8 xubnood oo agaasime waaxeedyo ah oo isugu jira Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Komiishanka Tamarta.

Weftiga, ayaa maanta kulan kula qaatay Madaxda Hayadda Tamarta ee dalka Uganda (Uganda Electricity Regulatory Authority “ERA”).

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madax ka socotay World Bank oo uu ka mid yahay Patrick Mwesige.

Kulanka, ayay labada dhinac kaga wadahadleen xaaladda korontada labada wadan iyo sidii looga wada shaqayn lahaa iskaashi dhinaca Tamarta ah.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sanadihii u dambeeyey xoogga saartay horumarinta noocyada Tamarta iyo dardar gelinta mashaariicda Korontada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here