Dhismaha Xarunta Cusub Ee Ciidanka Birmadka Laascaanood Oo La Dhagax Dhigay

0
477

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha Sool iyo maayarka magaaladda Laascaanood ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisi doono Booliiska gaarka ah ee Birmadka ay ku yeelan doonaan magaaladda Laascaanood.

Mashruucan oo kharashka ku baxaya ay bixisay xukuumadda Somaliland ayaa waxaa fulinta dhismaha   ku guulaystay oo dhisaysa shirkadda Cabdinuur Constructions, kadib tartan ay dhawr shirkadood u galeen hirgelinta dhismaha xaruntaasi.

Masuuliyiintaasi oo halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in hirgelinta xaruntani ciidanka Birmadka Laascaanood ay faa’iidooyin badan u leedahay guud ahaanba gobolka Sool.

 

HALKAN KA DAAWO WARKAASI:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here