Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beesha Madigaan oo Shir Ay Ku Qabsadeen Gabiley ka Soo Saarey Qoddobo Ay Isla Qaateen+ SAWIRRO

0
1334

Gabiley,(HargeisaPess)- Warsaxaafadeed Kooban oo ay Ku Bayaamiyeen Qoddobo ay Kasoo Saareen, Kadib Markii ay Magaalada Gabiley ku Yeesheen Dhalinyarada,Waxgaradka,Iyo Aqoonyahanka Beesha Madigaan Shir ay kaga Tashanayaan Arimo Khuseeya Hurumarka iyo Waxqabadka Deegaanada ay Beeshu Degan Tahay, Ee Gobolka Gabiley, iyo Sidii Loogu Diyaar garoobi lahaa Doorashooyinka Dalka ka cabsoonaya, Ee D/hoose iyo Baarlamaanka.

Qodobada Kasoo Baxey Shirkan ay isugu Yimaadeen Aqoonyahanka Waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Madigaan oo Jimcihii 7/8/2020 ku qabsadey Huteelka Galoolay Ee Magaalada Gabiley, Waxay Qodobadaasi u Dhignaayeen Sidan:-

1. Ku dhaqanka shareecda diinta islaamku in ay tahay muqadis, loona baahan yahay in dhamaan beeshu xeerarkeeda iyo maamulkeed uu gundhig u ahaado waxkasta oo beeshu ku dhaqmeyso.

2. Wada jirka iyo midnimada guud ee beesha in la ilaaliyo, waxkastaa oo u keenaya kala jab iyo iska hor imaad in laga fogaado.

3. Waxbarashada in ay tahay waaji ina wada saran dhamaanteen, loona baahan yahay in laga wada howl galo sidoo loo horumarin lahaa schoolkada ku yaal degaanada ay dagantahay beeshu.

4. Waxay aqon yahanka iyo dhalinyarada beeshu hambalyo iyo bogaadin u direysaa mayarka gobalka gabiley oo ah masuul ka soo baxay xilkiisa maayarnimo, isagoo kor u qaday bilicda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqalaha dagmada gabiley iyo guud ahaan gobolka gabiley.

5. Waxa dhalinyarada beeshu ku baaqaysaa in shir guud beeshu iskugu timaado si ay uga tashadaan danta iyo masiirka beesha Reer sheekh abdirahmaan (madigaan) gude iyo dibadba bisha tobanaad 15-10-2020 hadii rabbri idmo.

6. Waxaa shirkan lagu go,aamiyay in si guud loogu diyaar garoobo dhamaan doorashooyinka inagu soo aadan oo isku sidkan, haday tahay barlamaan iyo golayaasha deegaanka gobaolka gabiley.

Wabilaahi Towfiiq..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here