Hargeysa: Xanshashaqa Xisbiga Kulmiye Ee Qabanqaabada Shirweynaha iyo Qurba jooga Laga Joojinayo Shirkaasi

0
1707

Hargeysa,(HargeisaPress)–Xisbi xaakimka Kulmiye Gudiyadiisa Kala Duwan ee Qabanqaabada, iyo Hogaanka ayaa La sheegay in ay qorsheeyeen, Qoraal Lagu Joojinayo Qeybo Kamid ah Qurba Jooga Taageerayaasha u ahaa Xisbiga Kulmiye, iyo Xubno hore uga Tirsanaan Jirey Golaha Dhexe oo iyaguna Qurbajooga ah oo lagu Badelayo Xubno Jooga Gudaha Dalka.

Qoraalka Xisbigu u Dirayo Dalka Dibadiisa inkastoo Warar Xogogaal ahi Sheegeen in aanu Wali si Rasmi ah usoo Bixin haddana Waxa Nuxurka ujeedadiisu Daaran tahay, Sidii aanay uga Soo Qeyb gali Laheyn Shirweynaha 5aad ee Xisbiga Kulmiye, oo lagu Wado in uu Bisha Oktoobar we Soo Socota ka Qabsoomo Caasimada Hargeysa, iyadoo indhawaale Qabanqaabadiisa iyo Gogol-xaadhkiisu la Socdo Gudaha Caasimada Hargeysa.

Geesta kale,Shirweynaha Soo Socda Ee Xisbiga Kulmiye ayaa lagu Wadaa in Wax Weyni iska badeli Doonaan, Nidaamyadii hore ee Loo soo Xuli jirey Ergooyinka Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta inkastoo, Xanshashaqa Ka dhex Socda xisbigu Sheegayaan in Hawsha Xisbiga iyo Ka Qeybgalkaba la Saarayo Kaantarool adag, oo si aad ah uga Duwan Sidii hore ee Loo Qaban jirey Shirarka Xisbiga, islamarkaana, aanay Fooda galin doonin Rag badan oo Xisbigaasi Kaadari ka ahaa, Mudo dheer haba u badnaadeen Qurbajooga Beelaha Bariga Burco, oo Qaar badan Laga Saarayo Liiska Xisbiga.

Sikasta oo ay Tahey, Waxa loo Wada Dhegtaagayaa Qaabka uu u Qabsoomayo iyo Sida uu ku Dhamaan Doono Shirweynaha Soo Socda ee Xisbiga Kulmiye , iyadoo Arimaha Sida Weyn loo hadalhayo uu kamid  Yahey, Arinta Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye, oo  la Sheegay in Madaxweynuhu Sii hayn Doono ilaa Doorashooyinka Dambe ee Soo Socda, islamarkaana, aan Wax Sidaa usii Durugsan Laga badeli doonin, Hogaanka oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga oo Madaxweynaha ah,Gudoomiye/Kuxigeenka Koowaad, ee Xisbiga oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha  iyo Gudoomoye Kuxigeenka 2aad oo ah Axmed Cabdi Dheere, Gudoomiye Kuxigeenka 3aad,  oo ah Xuseen Aadan-Cade, ilaakiin Gudoomiye Kuxigeenka 4aad oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Qaranka Candiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(SAYLICI), oo isaga Lagu Waddo in uu Isku Sharaxo Xilalka Sare ee Xisbiga.

Talaabada Qurba Jooga lagu Hakinayo, ayaa ah Mid uu Hore Xilalka Qaranka uga Joojiyay, Madaxweyne Muuse Biixi oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Waxaanay Qeyb ka Yihiin habdhaca Shirweynaha la damacsan yahey Sababaha loo Joojjnayo Qeybo Kami ah Qurbajoogii Xisbiga Kulmiye, Halka Qeybo kamid ah Xisbiga Kulmiyena, aanay Jeclaysan Gudoomiyanimada Gudida Qabanqaabada ee Cabdikariin Xinif Loo Xuley 

Lasoco……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here