Daawo Muuqaal: Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Wasiiro Ka Socda Dawlada Federaalka Soomaliya Iyo Puntland, Kala Qeyb Galay Shir

0
949

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa maanta wadanka Denmark kaga qayb galaya shir uu soo abaabulay urur lagu magacaabo SPARK oo la isugu keenayo wasiirada wershadaha iyo ganacsiga ee Somaliland, Somaliya iyo Puntland.

Shirkan oo Shalay furmay, sida jadwalkiisa ka muuqata waxa lagaga hadlayaa maalgashiga, ganacsiga, shaqo abuurka iyo arrimo kale oo khuseeya arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga. Wasiir Shucayb Maxamed Muuse oo ka socda Somaliland, waxa shirka ku wehelinaya Wasiirul dawlaha ganacsiga iyo wershadaha Somaliya Maxamed Xasan Aadan iyo wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdile. Saddexdan wasiirba waxa ay shirka ka jeedin doonaan khudbado. Shirkado kale oo qaabilsan dhinaca kalluunka oo laga leeyahay caasimadda Hargeysa, saraakiil ka socota rugta ganacsiga Somaliya iyo dad kale ayaa iyaguna shirka ku weheliya wasiiradan.

wasi sh

Sidoo kale saraakiil ka socota wasaaradda arrimaha dibadda Denmark ayaa shirka ka qayb galaya. Jaaliyadda Somaliland ee wadanka Denmark gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda wadankaas ee Copenhagen, oo ku baraarugay ajandayaasha shirkan oo la qaybinayo ayaan soo dhawayn wasiirka shirka ganacsi ee kooban kala qayb gelaya Dawladda Somaliya iyo maamulada kale ee wadankaas, waxaanay isweydiinayaan jaaliyadda Somaliland sababta uu wasiirku ugu milmay weftiga Somaliya ee uu shir gaar ah ugu qaban waayay ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here