Dhakhaatiirta Caafimaadka oo Bulshada Somaliland Uga Digay Khatarta Xumadda Dengue

0
790

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dhakhaatiirta caafimaadka Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqday inay ka digtoonaadaan xumadda daran ee Dengue ee hadda ku jirta dalka, taasi oo dhibaato badan ku haysa dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunada la nool.

Agaasime ku xigeenka Cubitaalka guud ee Hargeysa Dr. Cadnaan Sayid Cabdoo, ayaa bulshada uga digay halista xumadda daran ee soo noqotay (Dengue fever) waxaanu sheegay in ay aad u saamasay bulshada inteeda badan, isla markaasina kiisas badan oo xumada ahi ay soo gaadhayaan Cusbitaalka Hargeysa.

Dr. Cadnaan Sayid, ayaa waxa uu shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha lagu hayo dadka ay soo ridatay xumaddu, si aanay iyagana u saamayn maadaaa ay fidinayso Kaneecadu.

Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka Hargeysa, ayaa ka waramay dhibaatada ay leedahay xumadan iyo sida ay u saamayso dadka nugul ee xanuunada la nool oo uu sheegay inay u nugul yihiin bulshada inteeda kale.

Waxaa uu bulshada faray inay isticmaalaan waxyaabaha lagula dagaalamo Kaneecada iyo inay hagaajiyaan nadaafada guryaha, lagana hortago goob kasta oo ay Kaneecada hoy u noqon kara.

Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka Hargeysa, ayaa sheegay in ay mar kasta heegan ugu jiraan sidii ay ula tacaali lahaayeen bukaanada ay soo ridato xumadu, taasi oo uu sheegay in ay heegan u yihiin dhamaan shaqaalaha Cisbitaalku, bulshadana ay diyaar ugu yihiin.

Dr. Cadnaan, ayaa soo jeediyay in bulshadu ay habeenkii isticmaalaan maro Kaneecada lagu seexdo iyo in dadku ay gashadaan maryo jidhkooda qarinay ama ay sidoo kale marsadaan dhaashiyada lagula dagaalamo Kaneecada.

Maxaa laga ogyahay Xumadda Dengue?

Xumadda ama Qandhada Dengue waa cudur ay kaneecadu keento, waxaanu inta badan ka dillaacaa Dhulka Kulaylka ama haddii aynu si kale u dhigno Waddamada dunida ee ku yaalla Dhul-badhaha ama kuwa ku yaalla Kulaylaha Woqooyi iyo Kulaylaha Koonfureed.

Xannuunkani kuma badna dhulka qabowga ah. Qandhada Dengue marka ay meel-dhexaadka tahay, waxa ay sababtaa xumad xoog ah iyo calaamado kuwa hargabka oo kale ah. Balse waxa jira marka ay sii xoogaysato Xumaddani oo loo yaqaano Hemorrhagic Fever (Xumadda Dhiig-baxa), waxay sababtaa dhiig-bax daran, hoos u dhac degdeg ah oo ku yimaadda Cadaadiska Dhiigga iyo xataa Dhimasho.

Astaamaha nooca dambe ee xannuunkan waxa lagu arkay magaalada Hargeysa oo Dad isugu jira waayeel iyo Dhalinyaroba ugu geeriyoodeen, kaddib markii Afka iyo Sanka Dhiig ka yimi.

Sannad kasta waxa dunida ka dhaca malaayiin xaaladood oo ah caabuqa Dengue, waxaanay xumaddani ku badan tahay dalalka Koonfur-bari ee Qaaradda Eeshiya, Galbeedka Jasiiradaha ku yaalla bad-weynta Pacific, dalalka Latin America iyo qaarkaad Afrika. Haseyeeshee, sannadihii u dambeeyey waxa uu xannuunku ku sii fiday meelo cusub oo ka mid ah qaaradaha Yurub iyo Koonfurta dalka Mareykanka.

Ilaa hadda ma jiro tallaal u gaar ah xannuunkan, balse khubarada caafimaadka adduunku wali way ku hawlan yihiin tallaalka xumadda Dengue. Xalka kaliya ee wakhtigan loo hayo ama meelaha xilligan ay ku badan tahay qandhada Dengue, siyaabaha ugu fiican ee looga hortagi karo xannuunka, ayaa ah in laga hortago qaniinyada kaneecada iyo in la qaado tallaabooyin lagula dagaalamayo taranka kaneecada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here