DEG DEG: Isku Shaandhayn Lagu Sameeyay Golaha Wasiirada Dawlad Deegaanka Soomaalida

0
1716

Jigjiga (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa Wasiirada.

Halkan hoose ka akhriso isku shaandhaynta golaha wasiirada DDS.

1:Wasiirka madaxtoyada DDS waxaa lagu daayay masulki hore ee joogay mudane sheekh xasan daadhi.

2:Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDS waxaa loo magacabay mudane Cabdiraxmaan Ciid Daahir oo hore u joogay xafiiska Tvtka.

3:Wasiirka biyaha waxaa loo magacabay mudane Cabdiraxmaan Axmed Hassan (hure) oo hore u ahaan jiray Wasiirka Ganacsiga DDS.

4:Wasiirka waraabka iyo dooxooyinka waxaa loo magacabay mudane C/salaan qayo/Waxaa kaloo jirta xog ah in Qayo loo magacaabay Warfaafinta.

5:Maareeyaha kuliyada macalimiinta ee Dr. Cabdimajid Xusen waxaa loo magacabay mudane Cabdilaahi Gasiila oo hore u ahaan jiray Wasiirka Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dowlada.

6:Wasiirka xafiiska ganacsiga waxaa loo magacaabay mudane Bashiir Shaafi oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Biyaha.

7:Wasiirka xafiiska waxbarashada waxaa loo magacabay Faatax Maxamed Fataax oo hore u ahaan jiray Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka.

8:Wasiirka xafiiska jidadka waxaa loo magacaabay mudane Rooble bucul oo hore u ahaan jiray maareeyaha Ttcda.

Inkastooy wali socoto isku shaandhayntu waxaan ku dadaalaynaa in aan kolba wixii soo kordha aan idinla socodsiino iyadoo dhamaystirana aan idiin soo gudbino.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here