Sheekh Zakir Naik oo Xiisad Ka Abuuray Malaysia

0
955

Hargeisa (Hargeisa Press)- Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, iyada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga caydhiyo sababo la xidhiidha eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah.

Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee tagay, ayaa dalka India ku wajahaya dacwado la xidhiidha been xalalaleyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah.
Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India.

Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hadhay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus.

Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad lagaga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas.

“Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yidhi wasiirka is-gaadhsiinta Malaysia Gobind Singh Deo.

“Ra’iisal wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhakhsiyaha badan go’aan uga gaadho waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yidhi.

Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyaguna ka dalbaday ra’iisal wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik.

“Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay iyada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yidhi bayaan uu soo saaray.

Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisal wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xidhiidha amnigiisa.

“Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yidhi Mahathir.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here