Somaliland: Al-shabaab oo Markii Ugu Horeysay Soo Gashay Gobolka Sanaag

1
1596
Cerigaabo (Hargeisa Press)- Wararka hada naga soo gaadhaya gobolka Sanaag soona gaadhaya Shabakada Hargeisa Press, ayaa sheegaya in markii ugu horeysay lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag Xoogag la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.
Sida ay noo xaqiijiyeen Ilo xogogaal ah oo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Laamaha Amniga gobolka Sanaag ayaa noo sheegay in xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Gacan Maroodi oo ilaa 40km u jira degaanka kale ee Yubbe.
Sidoo kale, xubno ka tirsan Laamaha Amniga ayaa noo sheegay in xoogaggan ay la hadleen dadka deegaanka, waxaana la ogaa in hadda ka hor Al-shabaab cunooyin ka iibsadeen deegaankan.
Lama oga in xoogagga Al-shabaab ee tagay deegaanka Gacan Maroodi sii joogi doonaan halkaa iyo in ay uga si gudbi doonaan deegaanno kale waana markii ugu horeysay oo gobolka qeybo ka mid ah tagaan xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.
Wixii warara ee ka soo kordha Waan idiin soo gudbin doonaa….
Wariye: Xamse Jirde
Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here