“Dawladda Wakhtigeedu Dhamaado Saacad Loogu Dari Maayo, Golaha Wakiilada Saacad Loogu Dari Maayo, Hadday Fadhiyaan Oo Gole Bilaa Sharci Ahi u Kordhiyey..” Eng Faysal Cali Waraabe

0
983

Faysal Cali WaraabeHARGEISA, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Xukumadda u soo jeediyay inay bilawdo Abaabulka iyo Qabanqaabada Doorashooyinka dhici doona badhtamaha 2015-ka. Waxa uu sheegay in haddii xukumaddu diyaarin waydo Doorasho la samaynayo Dawlad ku meel gaadh ah

“Meeshan laba doorasho-na way ina sugayaan Abaabulna kama socdo iyo wax xil kas ah oo xil iska saarayaa. Waxana weeye wax la iska bartay in inta la iska seexdo oo Hawshii qaranka la gudan waayo, haddana abaal gud la isku siiyo muddo kordhis. Waxaanu doonaynaa in taas la soo aff-jaraa, Dastuurka la ixtiraamaa, Qaynuunka la ixtiraamaa.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal oo ka hadlayay Madal ay ku kulmeen Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo madasha wadatashigu.

Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay inaanay suuro gal ahayn in Haddii Xukumadda wakhtigeedu dhamaado ay kursiga sii fadhido “Aduunka lama arag Hay’ad wakhtigeedii dhamaaday oo haddana meesha iska fadhida, Aduunka lama arag Hay’ad muddada isku kordhisa, sida Guurtida oo kale, waxaas oo dhan waxaa lagu arkay Dalkeena. Markaa waxa weeye si looga hortago inaan arintu sideedii hore ahaanayn, Ixtiraamkii iyo Dulqaadkii wuu dhamaaday, cid sharci u leh ma jirto inay meesha sii fadhido iyadoo sharcigeedu dhamaaday. Waad Ogtihiin 2009-kii Dawladdii Rayaale, wakhtigeedii markuu dhamaaday murankii la galay ee aanu inyar u jirsanay Annaga iyo Kulmiye inaanu Dawlad ku magacawno, halkiibay maanta taagan tahay.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya waxa uga meel yaala haddii Xukumadda oo aan doorasho qaban wakhtigu ka dhamaado waxa uu yidhi“Waxa la samaynayaa Dawlad ku meel gaadh ah oo loo dhan yahay, oo Dadku u wada Siman yahay.Dawladda wakhtigeedu dhamaado Saacad loogu dari maayo, Golaha wakiilada Saacad loogu dari maayo, hadday fadhiyaan oo Gole bilaa Sharci ahi u kordhiyey laba jeer loo kordhiyey, mar saddexaadkii bay gadhka u Xoq-xoqanayaan, taasina wax dhacaysa maaha, waxa weeye Qudhaanjo ku quusa Cid dambe oo Bilaa sharci ku fadhiyaysaa ma jirayso” Ayuu yidhi Faysal.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here