Somaliland: Golaha Deegaanka Laascaanood oo diiday Miisaaniyada sanadeedka 2015-ka

0
1148

Laascaanood 43Laascaanood, (HargeisaPress) — Xildhibaannada golaha deegaanka Laas-caanood ayaa diiday miisaaniyadda dowladda Hoose ee degmadaas, kaddib kulan ay yeesheen maanta oo Axad ah.

Duqa degmada Laascaanood ayaa miisaaniyadda la celiyay ku sheegay inay tahay mid loo baahnaa in laga dodo, balse taasi way dhici wayday. waxaanu intaas raaciyay in waqtigii wasaaradda arrimaha gudaha u qabatay ay kaddib dhiceen.

Xildhibaannada goobta ku sugnaa oo ahaa 18 ayaa 11 ka mid ahi diideen in ay ogolaadaan miisaaniyadda sannadka 2015-ka, taasoo ay ku sababeeyeen in aanay weli arkin qaabkii loo maareeyay miisaaniyaddii sannadkii laga soo gudbay, iyagoo xusay inay tahay sababta ay u celinayeen miisaaniyaddan.

Cismaan Saleebaan oo ka mid ah xildhibaannada ayaa sheegay inay ahayd mid habboon in golaha deegaanku eego miisaaniyada oo qiimeeyo sida ay u qoran tahay, si ay ugu maareeyaan duruugta taagan.

Xidhibaan C/casiis Xuseen Xasan ayaa isna sheegay inay xildhibaannadu isla garteen in inta ay helayaan xisaab-xidhkii sannadkii hore aanay ogolaan inay ka doodaan miisaaniyadda sannadka soo socda.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysay ee ka dhacda muddadii ay golaha deegaanku shaqaynayeen, waxayna caqabad ku noqon kartaa hawsha hawl-wadeennada dowladda hoose ee degmada Laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame, Laascaanood, Sool

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here