Dawladda Sucuudiga Oo Caawimo Soo Gaadhsiisay Somaliland

0
912

Hargaysa (Hargeisa Press): Kaalmo ay dawladda Sucuudigu ku soo caawisay Somaliland ayaa dhawaan la gaadhsiin doonaa dadweynaha jilicsan ee  ku kala nool goboladda dalka.

Caawimadan oo ay Somaliland soo gaadhsiisay haayadda Malik Salmaan foundation ee dalka Sucuudiga iyadoo ay iska kaashadeen xarunta haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Maanta ayaana laga daah-furay shaacinta mashruucaasi xarunta haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, iyo Badhasaabka gobolka Maroodijeex Maxamed Xaaji Axmed.

Kaalmadan ayaa ka kooban 100Tan oo Timir ah, oo u dhiganta 12500 oo Kartoon, sida uu sheegay Faysal Cali Sheekh Maxamed, galay guddoomiyaha haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa uga mahad celiyay dawladda Sucuudiga iyo haayadda Malik Salmaan foundation ee dalka Sucuudiga.

Waxaanu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay oo ay dawladda Sucuudigu caawimo soo gaadhsiiso Somaliland, balse ay marar kaloo badan soo gaadhsiiyeen.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here