Muqdisho: Raysal Wasaare Rooble Oo Kormeeray Xarumaha Wasaarradaha

0
497

Muqdisho (HP): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kormeeray qaar ka mida xarumaha wasaarradaha dawladda ee magaaladda Muqdisho.

Xarumaha uu raysal wasaaruhu kormeeray waxaa ka mid ahaa Caafimaadka, Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda iyo xarunta Warbaahinta Qaranka.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawllaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada.

Waxaanu wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada.

Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariira wargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowladda iyo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda Wasaardaha, waxuna faray in gacanna loogu adeego shacabka, gacanna doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka ee raysal wasaaraha Soomaaliya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY