Dawladda Hoose Ee Hargaysa iyo Iskaashatadda Gaadiidka Oo Go’aamo Isla Qaatay

0
1120

Hargaysa (HP): Maayarka caasimada Hargeysa iyo xubno ka mida madaxda Iskaashadata gaadiidka dadweynaha ee Hargeysa, ayaa isla qaatay awaamiir ay dawladda hoose ee Hargaysa soo saartay.

Waxaanay wada jir ugu dhawaaqeen in ay ayidayaan go’aamo iyo awaamiirta guddida heer qaran ee xakamaynta Covid19 ku xadiddeen dhaqdhaqaaqa bulshada labada maalmood ee Ciidal-fidriga.

Duqa caasimada Hargeysa, ahna guddoomiyaha golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Cayiid (Soltelco) iyo Guddiyada iskaashatooyinka gaadiidka kala duwan ee dadweynuhu, waxa ay shaaca ka qaadeen in sidooda loo fulinayo amarka guddida.

Maayarka iyo madaxda Iskaashatooyinka oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa Jimcihii shalay, ayaa daboolka ka qaaday in ku dhaqanka go’aamada ilaalinta bad-qabka bulshadu ay fulin doonaan.

Cabdiraxmaan Soltleco, oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in labada maalmood ee Ciidda la joojiyey guud ahaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha qaada ee ka shaqeeya gudaha magaalooyinka.

Gaadiidka shaqo-hakinta lagu sameeyey waxa ka mida Basaska iyo noocyada kale ee Baabuurta dadweynaha qaada, sida Taxi-da, sida uu maayirku sheegay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan idiin sheegaynaa in la joojiyey nooc kasta oo gaadiid dadweyne loo isticmaalo labadaa cisho ee Ciida.

Kuwa u kala baxa gobolada iyo degmooyinka oo haatan la sii joojiyeyba, kuwa magaalada gudaheeda ka shaqeeya lama aqbali karo nooc kasta oo gaadiid ah oo soconaya”.

Geesta kale, xubno ku hadlay afka Iskaashatooyinka Gawaadhida amarku khuseeyo, ayaa tilmaamay in ay amarkaasi sidiisa u fulinayaan.

Iyagoo farriina u diray guud ahaan mulkileyaasha iyo wadeyaasha Baabuurtaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here