Sugidda Nabad Gelyadu Waa Wada Jirka Booliska iyo Bulshada

0
1285

Guud ahaan dalalka adduunku waxay ka siman yihiin in ay yeeshaan hay,addo ammaan oo qaranka u qaabilsan nabad.

Waxaanay dawladaha dunidu u kala qaybsamaan kuwo dimuquraadi ah oo sharciga loo siman yahay kuna dhaqma dastuurka ay shigteen iyo xeerarka caalamiga ah iyo kuwo aanay xoriyad sax ahi ka jirin oo keli talis ah iyo kuwo boqortooyo oo cid gaar ahi talada dalka gooni u leedahay.

Hadda-ba Somaliland oo ah qaran aan wali beesha caalamka aan wax aqoonsi ah ka helin ayaa noqotay dal ay ka hana qaadday dimuquraadiyad iyo xornimo uu dammaanad qaaday dastuurka Somaliland.

Kama-na dhacdo Somaliland waxyaabo badan oo naafeeyay dimiquraadiyadda qaaradda afrika oo ah in cabudhin iyo caga juglayn lagu maamulo.

Haddii aan hoos ugu daadego dulucda warbixintan. Sugidda Nabad gelyadu waa wada jirka Booliska iyo Bulshada. Waxaa habboon in la wada fahmo horta nabad gelyada booliska iyo laamaha ammaanku ay u taagan yihiin yay u shaqaynayaan ee ay nabad gelyadooda sugayaan?.

Haddaad jawaab deg deg ah oo xaqiiq ah aad markiiba iigu jawaabto waxaad odhanaysa bulshada. Markay sidaa tahay maxaa u diidaya in bulshaduna ay dhankooda kala shaqeeyaan booliska.

Muwaadin ugu horrayn wax kasta oo nabad gelyadaada dan u ah ayaa ammaanka guud ee qarankana dan u ah,adoon ka eegin meel fog haddii jidka gurigaaga aad u marto aad ogtay in dadka lagu baadho xiliyada qaar adoo naftada ka fekeraya ayaad ka baydhaa ood ka so waregtaa meel kaaba durugsan.

Laakiin, haddii aad saldhigga booliska ee degmadaada aad ku war geliso in wadada xaafadaada aad u marto in kooxo wax baadha joogaan ogow iyagana tallaabo ayaa laga qaadi lahaa xaafada aad ku nooshay iyo dadka jidka marana waxaad wax ka tartay nabad gelyadooda.

Ma ogtahay muwaadin in wiilkaaga oo aad la xosaabtan joogto ah oo habeenle ah aad la yeelato isla markaana xilli go.an oo uu seexdo aad u samaysay in ay qayb weyn ka tahay nabad gelyada qaranka.

Waxaa la inooga baahan yahay kq bulsho ahaan wax kasta oo nabad gelyada xaafadda aad degentahay wax yeelo ku ah in aad booliska la socodsiiso si ugu horrayn xaafadaadu nabad gelyo u noqoto,markay xaafad waliba nabad gelyo noqoto magaalo kastana bulshada iyo boolisku wada shaqeeyaan ayaynu helayna ammaan buuxa.

Haddaba booliskana waxaa looga baahan yahay in ay bulshada ku xidhnaadaan oo xogta bulshada ay kala helaan isla markaana saldhigyada magaalooyinka xaafad kasta saldhigga ku yaalla ee boolisku uu lahaado taleefan layn ah oo xilli kasta lasoo war gelin karo.

Tusaale ahaan qof baa arkay koox mindiyo ku hubaysan oo iyagu kooxo kala ah oo is dilaya ama dadka ku baadhanaya waa in saldhigga booliska ee xaafadaa laga haya lambar layn ah oo la war gelin karo.

Waxaa kale oo booliska looga baahan yahay si ay bulshada iyo booliski wada shaqayn wanaagsan u yeeshaan in ciddii booliska soo war gelin lahayd in aanay ka baqin in horta qofkaa booliska wax gùud usoo shegaya inaanu isagu xidhmin.

Intii uu taliyaha boolska Somaliland uu ahaa sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi.waxaa soo baxay in ay booliska iyo dadwaynuhu iskaga soo dhawaadaan sidii ay markii hore kala ahaayeen meeshana ay ka baxday cabsi badan oo dadku booliska iyo saldhigyada ay ka qabeen.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in la sii xoojiyo kalsoonida booliska iyo bulshada si aynu u helno nabad gelyo taam ah.

Waxaa kale oo loo baahan yahay in bulshada iyo boolisku wada jir ula wada dagaalamaan maandooriyaha oo dhallinyaro badan innaga hallayn kara iyadoo mandooriyaha xashiishaddu dhallinyada halis ku yahay.

By: Weriye Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale).

LEAVE A REPLY