Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Ku Dhawaaqay In Beri Ciid Tahay

0
3340

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa hadda sheegay inay Sabtida Berri tahay Ciid, isla markaana bishi Shuwaal laga arkay deegaanno kala duwan oo Soomaaliya iyo Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Hargeysa Warbaahinta dowladda kula hadlay labadii habeennimo oo wax yar dhiman, ayaa sheegay xaqiiqo raadin badan ka dib inay xaqiijiyeen in bilashada bisha Shuwaal amma Soon-fur laga arkay Dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Waddamo kale oo Islaam ah, sidaa awgeedna ay Ciid tahay Sabtida.

Sidoi kale, Goor sii horaysay ayaa waxa uu Wasiirku ku dhawaaqay in maalinta Sabtida ee Beri ay ramadaan tahay.

Magaalada Hargeysa, qaar kamida Masaajidada ayaa laga bilaabay Takbiirta munaasibada Ciidal-fidriga.

Dhanka kale, deegaamo badan oo kamida dhulka Soomaalida ayaa laga sheegay aragtida bilashada Bisha Shuwaal.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddan ayaa ka duwan ciiddihii hore, iyadoo aan lagu tukan doonin sida ay dawladdu amar ku bixisay goobihii lagu oogi jiray salaadaha Ciidda.

Dadka ayaa ku tukan doona guryaha, waxaana sidaasi loo sameeyey xakamaynta cudurka Corona Virus oo saameeyey dhamaan isu soo baxyadii dadweynaha ee caalamka.

Wasiir khaliil, ayaa sheegay in ay dadku guryahooda ku tukadaan, isla markaana ku oogaan Takbiirta ka horaysa salaada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in ay culimada ka faa’idaystaan dadka aan aqoon qaabka loo tukanayo salaada Ciidda.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here