Dawladaha G20 Oo Midowga Afrika U Aqoonsaday Xubin Joogto ah

0
276

Addis Ababa (HP); Dawladaha loo yaqaani 20-ka ee xagga dhaqaalaha ugu horreeya adduunka ayaa soo dhaweynaya Midowga Afrika oo loo aqoonsaday xubin joogto ah.

Arrintan oo muhiim u ah dalalka Afrika doorka ay ku leeyihiin siyaasada dunnida.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa sanadkii hore ku baaqay xubinnimada joogtada ah ee Midowga Afrika ee G20.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi, ayaa isna dhankiisa sheegay in ururka lagu casuumay ka qayb galka shirka G20 ee dalkiisa uu martigelinayo todobaadkan.

Geesta kale ururka Midowga Afrika ayaa u ololeeyay in si buuxda xubin looga dhigo todobo sano, sida ay sheegtay afhayeenad Ebba Kalondo.

Ilaa hadda, dalka Koonfur Afrika ayaa ahaa xubinta keliya ee Afrikaan ah oo ka tirsan ururka G20.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here