Somaliland: Gudiga Is-waafajinta Doorashooyinka Oo Naaqishay Xeer Lr. 14

0
245

Hargeysa (HP): Guddidii golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan loo xil saaray is-waafajinta labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ayaa mar kale maanta shir ka yeeshay hawlahaasi ay ku guddo jiraan.

Gudigan ayaana ku mashquulsan is-waafajinaya doorashooyinka, iyo go’aamadii xalka ahaa ee ay dhawaan soo saareen madax-dhaqameedka beelaha bariga Burco.

Waxaanay guddida Is-waafajinta Xeerarka Doorashiiyinka ee golaha Wakiillada ay maanta xarunta Golaha Wakiilada fadhigoodii 39aad ku lafa-gurey Xeerarka Doorashooyinka (Xeerka Doorashooyinka guud Xeer lr 91 iyo Xeerka doorashada ururrada Xeer Lr 14.

Shirkan waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Gudigaasi xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax.

Ma jirto weli wax go’aan ah oo ay soo saareen gudigani oo ay kaga talo bixinayaan qaddiyadan miisaanka leh ee loo xil saaray.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here