Madaxweynayaasha Somaliland iyo Zambia oo Khadka Telefoonka Ku Wadahadlay

0
2048
Madaxweynayaasha Somaliland iyo Zambia
Madaxweynayaasha Somaliland iyo Zambia

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dalka Zambia Edgar Chagwa Lungu oo uu wefti dalkiisa ka socdaa Isniintii soo gaadhay Caasimada Hargeysa.

Labada Madaxweyne ayaa intii ay wada hadlayeen isla soo qaaday wanaajinta iyo dar-dar gelinta xidhiidhka labada Qaran iyo inay si dhow isaga kaashadaan danaha labada dal, arrintaasoo ay isfaham ka gaadheen.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa yimi, kaddib Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo safar shaqo ku yimid Dalka Isntiintii todobaadkan.

Waxaanu Madaxweynuhu uga waramay weftiga Zambia taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo tilmaamay inay tahay dal 1960-kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, si xoriyad ahna ula midoobay Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray iyadoo israacaasi ujeeddadiisu ahayd dhismaha Jamhuuriyaddii Soomaali, si loo abuuro Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin shucuubta Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika, balse midawgaasi uu socon waayey, Somalilandna ay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midowgii la doonayey in Soomaali oo odhan la gaadhsiinayana uu fashilmay.

Madaxweynaha iyo Wasiirku waxa ay muujiyeen in Xidhiidhka labada dalna aanu cusbayn ee uu hore Somaliland laba jeer u yimi madaxweynihii hore ee dalka Zambia, Kenneth Kaunda oo xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ka dhexeeyey Somaliland.

Zambia, ayaa ah mid kamida Dalalka dhaca badhtamaha Koonfurta Afrika iyo bariga Afrika, waxaanay soohdimo la leedahay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo, Tanzania, Malawi, Mozambique, Zimbabwe iyo Botswana, taasoo muujinaysa muhiimadda ay ka leedahay Qaraada Afrika, inkasta oo ay tahay dal aan lahayn Dhul-baddeed.

Dalkan oo Baanka Adduunku u aqoonsaday mid kamida wadamada isbedelka togan lagu sameeyey Dhaqaalooda kobcaya, ayaa sidoo kale xudun isku-xidha Koonfurta iyo badhtamaha Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here