Danjire Barkhad Kaariye oo Boggaadiyey Dowladda Itoobiya

0
1171
Safiir ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya, Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya Mudane Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa ka hadlay munaasibadii balaadhnayd ee ka dhacday magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu xusayay markii ay Somaliland madax-banaanideeda dib ula soo noqotay 18-kii May ee sannadkii 1991-kii.

Safiir Barkhad Kaariye, ayaa waxaa uu Warbaahinta Somaliland uga mahad celiyay qaabkii kala duwanaa ee ay uga qayb qaateen baahinta munaasibadii xuska 18 May.

Safiirka, ayaa waxaa uu sidoo kale boggaadiyay dowladda Itoobiya, isagoona uga mahad celiyay doorkii ay ku lahayd qaban-qaabada munaasibada iyo sidii ay ugu maamuustay hoolkii ay xafladu ka dhacday.

Wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya ay muujisay sida ay uga go’an tahay walaalnimada, wadajirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, maadaama buu yidhi dedaal kasta oo ay sameeyeen ka safaarad ahaan aanay suurta gasheen la’aantood.

Safiirka, ayaa shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibediisaba sidoo kale uga mahadnaqay doorkooda munaasibada ay kaga qayb qaateen iyo boggaadintii ay safaarada soo gaadhsiiyeen.

Danjiraha, ayaa xusay in dedaalkii weynaa ee ay geliyeen ka safaarad ahaan munaasibada ay ujeedkeedu ahaa in qadiyadda Somaliland ee da’yarta maanta joogtaa ku taamayso ay aragto dalkooda oo dunida oo dhami aqoonsan yahay, ay fariintaasi gudbiyaan oo ay caalamka gaadhsiiyaan.

Ugu dambayntii, Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda, taasi oo uu sheegay in uu uga mahad celinayo taakuladii iyo garab istaagii ay Safaaradda kula garab taagnaayeen sidii ay u qabsoomi lahayd munaasibadu.

Si kastaba, Munaasibadii xuska 18 May ee ka qabsoontay dalka Itoobiya, ayaa si weyn loogu amaanay Safaaradda Somaliland ee Itoobiya oo uu hormuudka ka yahay Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye, taasi oo markii ugu horaysay dalkaasi lagu qabto munaasibad weyn oo la xidhiidha qaranimada Somaliland weyn, iyadoo in kabadan, 2,000 kun oo qof lagu casuumay munaasibada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here