Wefti Wasiirro Ah oo Gaadhay Deegaano Ka Tirsan Awdal iyo Selel

0
834

Boorama (Hargeisa Press)- Wefti uu hoggaaminaayo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo ay kamid hayeen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Mareyaha Hay’adda Wadooyinka, ku xigeeno, Agaasimeyaal guud, Guddoomiyeyasha gobolada Awdal, Selel iyo Hawd, ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay degmooyinka Quljeed iyo Boon oo ka tirsan gobolada Awdal iyo Selel.

Masuliyiintani, ayaa kormeeray dibu-dhiska dugsiga hose dhexe ee degmada Quljeed oo ay dhisayso xukuumada Somaliland, kaasi oo ay dhawaan burburiyeen roobab ka da’ay degaankaasi.

Waxana ay sidoo kale si wadajira u dhagax dhigeen guriga martida oo laga dhisaayo degmada Quljeed.

Weftigan, ayaa sidoo kale gaadhi loogu talagalay Ciidanka Booliska degmada Boon ku wareejiyay maamulka iyo taliyaha qaybta Booliska Degmadaasi.

Waxana ay halkaasi ka balan qaadeen mashariico horumarineed oo laga hirgalinaayo degmada Boon iyo qaar ka mida deegaanada hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here