Xukuumadda Somaliland oo Ganacsatada Adeegsata Dekedda Berbera U Fududeynaysa Adeegyadooda

0
2484

Berbera (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Xuseen Cismaan iyo masuuliyiin kale, ayaa kormeer ku tagey dekedda Berbera.

Ujeedada kormeerkooda, ayaa waxaa ay ahayd u kuurgelida sida ay u socdaan hawlaha adeeg-bixinta dekeddu.

Masuuliyiintan, ayaa intii ay kormeerkaasi ku gudda jireen kulama kala duwan la qaatay daneeyeyaasha dekedda Berbera.

Sidoo kale, waxyaabaha mudnaanta leh ee la isdultaagey intii kulamadani socdeen waxa ka mid ahaa, in la fudeydiyo hanaanka adeeg-bixinta dekedda, iyada oo la soo koobayo tallaabooyinka shaqo ee ay maraan macaamiisha adeegsata dekadda Berbera.

Dhanka kale, waxa talo-bixinno iyo soo jeedimo laga dhagaystay ganacsatada si xal loogu helo wixii fudeydin ah ee ay uga baahdaan Dekadda Berbera.

Gaba-gabadii Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ganacsatada adeegsata dekadda Berbera ugu bushaareeyey in loo fudeydin doono dhamaan adeegyada loo qabto, isla markaana la tixgelin doono dalabkooda, waxaanu uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan dekedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here