“Dalkeena Waxaynu Ka Heli Karnaa Tamar Ka Jaban Midan Hada Qaaliga Ah”Wasiirka Macdanta Somaliland

0
838

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shalay Magaalada Hargaysa ka Furay Shir Caalami Ah Oo lagu dardar galinayo sidii kor loogu qaadi lahaa Tamarta laga dhalinayo qoraxda iyo hawada. kaasoo ay soo qaban qaabisay hay’add maraykan ah oo layidhaa SHURAAKO.

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Wufuud kala Gadisan oo ka Socday beesha caalamka,kana mid yihiin safiiro ka socday maraykan iyo Ingiriiska,waxaana iyaguna Goob jooga ka ahaa dalal badan oo ay ka mi yihiin,Jabuuti,Kenya,itoobiya,Somaliland iyo Wufuud kale.

 

Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in kulankani oo socon doono muddo 4 cisho ah lagu darsi doono sidii Tamarta. kor loogu qaadi lahaa,waxaana casharo ku saabsan hawada sidii looga dhalin lahaa tamar bixin doona Khubaro ka Socota Maraykanka iyo ingiriiska,waxaana ay Somaliland Noqonaysaa dalkii 2aad lagu qabto kulankani.

DSC05508.JPG-1

Wasiirka oo furay kulankani ayaa ku dheeraaday rajada laga qabo in dunida oo dhan loo badalo tamarta hawada iyo cad-ceeda waxaana uu yidhi.

“shirkan ay maanta furtay wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa soo qaban qaabiyay Haay’adda Layidhaah Shuraako oo maraykan ah,waxaana ay ku hawlan tahay tamarta Cusboonaata ee laga dhaliyo tamarta qoraxda ama tamarta cad-ceeda,shirkani waa shirkii 2aad ee ay u qaban-qaabiyaan bulshada ku nool Man-daqada lagaga hadlo afka somaliga,haday tahay dalka Somaliland,somaliya,Jabuuti,Kenya iyo ismaamulka Dawlada Deegaanka Itoobiya.

 

Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi ducaale ayaa sheegay in carwadii 1aad ee lagu soo bandhigo sidii tamar looga dhalin lahaa cad-ceed lagu qabtay Magaalada Nairobi,halka ay kii 2aadna nasiib u heleen Somaliland laguna qabtay magaalada hargaysa,taas oo majooratiga lagu saari doono in bulshada lafaro in laga gudbi doono tamarta ku shaqaysa batroolka oo dunida hawada ka wasakheeyay.

DSC05510.JPG-1

“waxaanu Nasiib u helnay inaanu noqon cida shirka Ganacsi hogaamisa kaas oo socon doona muddo afar cisho ah,waxaana uu ku saabsan yahay shirkani bandhig cilmiyeedka ahi horumarinta tamarta Cusboonata oo aynu aad iyo aad dalkeenu baahi wayn ugu qabo,waxaana aynu u baahanay in aynu horumarin tamartan oo aynu faa’ido aad iyo aad u badan ka heli karo dalkeenu,waxaana aynu ka heli karnaa tamar joogta ah oo la awoodi kara,Waxaana ay inoo badali doontaa tamartan qaaliga ah ee batroolka ah inaguna taagan lacag badan oo qaali ah.

 

Intaas waxa uu ku daray wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata.”Markaas maanta aad iyo aad ayaanu ugu farax sanahay inuu dalkeenu noqdo dalkii 2aad ee uu shirkani ka dhaco,waxaana ka soo qayb galay Dalal badan oo ay qayb ka tahay somaliya ganacsato ka Socotaa,waxaana hada ku sugan daneeyayaal badan oo ka socda wadanka jabuuti,itoobiya,kilarka shanaad,waana bandhig Cilmiyeed kor loogu qaadayo tamarta Cusboonaata,waxaana la doonayaa bulshada tamarta ka Xoogsataa in ay ka faa;idaan.

Kulankan ayaa waxa qayb ka ahaa oo madashan ku sugnaa wufuud kala Gadisan oo ka Socday Beesha Caalamka ahna Daneeyayaasha Tamarta Cusub Ee Lagaga Gudbayo Tamarta Ka samaysayn Shidaalka oo hawada ka dhigaysa wasakhow,waxaana uu wasiirku ku guubaabiyay ganacsata dalka in ay ka faa’idaystaa kulanka oo khubaro badani ka jeedin doonaa Culuumta lagaga gudbi doono tamartan Ka samaysan shidaalka waxaana uu yidhi.

Wasiirka Macdanta Somaliland

“waxa iyaguna madashan ka soo qayb galay dawladihii deeq bixiyayaasha ahaa oo maraykanku ku jiro ingiriiskuna ku jiro,dhaynashki iyo Norwaygiiba way ku jiraan,waxaana ay dawlado badani ka soo direen safaaradahoodii si ay goob joog uga noqdaan kulankan lagu darsayo tamarta,waxaana iyaguna qayb ka aha Baanka Aduunka,shirkuna waa shir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen beesha caalamka oo dhan aadna waa loo danaynayaa inuu ka soo baxo kulankani faa’idooyin badani.

 

Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sidoo kale ka hadlay Ujeedka loo qabtay kulankani iyo faa’idada laga rabo in ay ka Soo baxaan waxaana uu yidhi.”Kulankani waa aqoon korodhsi waana kulan muhiim,waxaana loo baahan yahay in sharaa’iga kala gadisan ee ka sugan madashani in ay ka faa’idaystaan khubarada madashan ku sugan ee doonaya in ay horumariyaan tamarta isticmaalkeeda oo loo baahan yahay in lahorumariyo,dalkeena waxaad moodaa in ay tamartan barteen shan sanno ka horuun.

 

Wasiirka ayaa kulankan oo socon doona Muddo afar cisho ah furay,waxaana uu ku dooday in ay Somaliland tamarta laga dhalinayo cad-ceeda iyo laydhu ay aad ugu horumareen,waxaana uu rajo ka muujiyay in ay halkaasi ka sii wadi doonaan,isaga oo tilmaamay in Somaliland kulankani iyagu maanta marti galiyeen,kaas oo kulmisay labeenta beesha caalamka.

 

Sidoo kale waxa iyaguna madashan ka hadlay Ganacsato ka Socotay Dalal badan oo ay ka mid tahay afric,halka ay ku sugnayeen safiiro ka socotay wadamo badan oo beesha caalamka ka mid ah,waxaana madashan laga jeediyay khudbado badan oo salka ku haya sidii tamarta laga dhaliyo cad-ceeda iyo hawada kor loogu qaadi lahaa si looga gudbo tamarta laga isticmaalo shidaalka oo dunidu hada ka soo horjeedo madaama oo ay hawadii ka dhigtay wasakhow.

 

Lee Sorensen oo ah sarkaal sare oo ka socday Shirkada ganacsiga ee shuraako ayaa madasha ku soo bandhigay khudbado ku taxaluqa sida ugu haboon ee tamarta looga dhalin karo cad-ceeda,waxaan ay shegeen in ay muhiim tahay sidii looga wada gudbi lahaa tamarta laga dhaliyo shidaalka oon muhiimada badan ugu fadhiyin dunida.

 

Shirkan oo ah mid Caalami ah oo noqonaya Kii 2aad ee lagu qabta Dunida,waxaana ay Somaliland Nasiib u heshay in ay marti galiso kulankani,madaama oo ay horumar dhinac tamarta ah ka samaysay,waxaana madashan lagu soo bandhigay sida ugu haboon ee kor loogu qaadi karo.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here