Kulan Hadhimo Sharafeedka Aha Oo Kulmiyay Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo Habaryoonis + SAWIRRO

0
937

Hargeysa, (HargeisaPress) — Kulankii Hadhimo sharafeedka ahaa, ee ay ku kulmeen Salaadiinta Subeer-Awal iyo Beelaha Habar-yoonis intooda ugu badan Galbeedka Caasimada Hargeysa, oo uu agaasinkeeda lahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, ayaa hordhaciisa lagu suntey qodobo san xidh u ah Heshiis is gaashaan buureysi oo doorka Siyaasada ay iskaga kaashanayaan Beelaha labadan dhinac kaas, oo saldhigiisa loogu xudun xidhay in lagu asteeyo haani gunbay ka tolantaa.

Odayasha

Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo ka qabsoomay Huteelka Cidhifka Galbeed ee Caasimada Hargeysa ee Green-Plaza la isku weydaarsadey Kaftan iyo hadal dhaxal gal ah oo aan waxba la isku hambeyn, ayaa Salaadiinta Beesha Subeer-Awal oo martigalinta gogosha fidisay iyagu lahaa ku ibo fureen hadalo soo dhaweyn iyo hoga tusaaleyn ah isagoo, badheedhaha iyo Odax gurka ugu badan hadaladiisa ku laqimay Ugaas Maxamed Jabane oo ku dheeraadey in au diraa uyihiin in maydhaxda loogu diiro yagleel cusub oo dhinacyada Siayaasada iyo arimo badan la iskaga kaashado,waxaanu Ugaasku balanqaadey in ay dhinacooda ka adkeynayaan axdi kasta iyo balan kasta oo kulankan la isula qaato.

12038304_532645373550583_2932948396539665148_n

Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo hufan oo la isugu kitaab furey bogaga Taariikheed ee Beesha Dhexe ee Somaliland ka jeediyay Salaadiinta Beesha Habaryoonis oo uu hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, iyo salaadiin kale oo door ah waxaanay hadaladooda Xirsi xidh uga dhigeen in Kulankani qormo cusub u noqdo kulamo badan iyo raadqaadka rajooyinka Siyaasadeed ee Hogaaminta talada dalka Somaliland mustaqbalka laga filayo, waxaana la isula qaatey si niyad kal iyo laabsan ah oo xiiso iyo xarago hadal badani ka muuqdo.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan

 

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi,oo hadalka khatinkiisa lahaa ayaa, isagu ku gunaanadey hadal kooban oo ajiib iyo caaqiibo isugu jira kaas oo uu ugu balanqaadey in aan heshiiska iyo axdiyada lagu kala qaatey kulankan waxba laga badeli doonin islamarkaana, xadhiga iyo kabaalada loo adkeyn doono in laba beelood wada qaataan heshiis dhaxal gal ah oo aan midhihiisa iyo yoolkiisa la isu balan furin la ikuna abaal ka dhicin sidii awal hore looga soo arkey heshiisyadii beelaha dhexe qaarkooda wada gaadheen, Waxaanu Suldaanku ku khatimay hadalkiisa in laba beelood iyo waajahooda cusub bogooda burcad la isku mariyo guulna ku dhameystaan.

 

 

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed (hiiraan) .

hiiraan2007@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here