Dagaal Dhex-maray Ilaalada Xabsiga Burco iyo Maxaabiis Xabsiga Ka Baxsanayay

0
1661

Burco (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Maxaabiis ka baxsaneyay xabsiga weyn ee magaaladaasi ay dhaawac gaadhsiiyeen ilaaladii xabsigaasi, xili uu dagaal kooban dhex-maray.

Maxaabiista ayaa isku dayey fulinta qorshe ay kaga baxsanayeen xabsigaasi, walow dagaal kooban oo dhex-maray ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsigaasi uu qorshahaasi ku soo dhamaaday fashil.

Dagaalkaasi dhex-maray Maxaabiista baxsadka ahaa iyo ciidamada ilaalada xabsiga weyn ee Burco, ayaa sababay dhaawacyo soo gaadhay ciidamada, kuwaasi oo qaarkood lagu dabiibayo Cisbitaalka Burco.

Maxaabiista ayaa loo badaleyay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay xukunkii ku dhamaysteen xabsigaasi, kuwaasi oo ka biyo diidanaa badalkooda xabsiga Hargeysa, taasi oo dhalisay iska hor-imaadka.

Wararka ay helayso warbaahinta Hargeisapress, ayaa intaasi kusii daraya in dhaawac fudud uu soo gaadhay mid kamid ah Maxaabiistii ka baxsanayey xabsigaasi, iyada oo xaalada xabsiga weyn ee Burco ay imika tahay mid degan kadib markii uu dagaal ku dhex-maray Maxaabiistaasi iyo ciidamada ilaalada ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here