Iska Hor-imaad Boosaaso Ku Dhexmaray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Daacish

0
1148

Boosaaso (Hargeisa Press)- Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Amniga Dowlad Goboleedka Puntland iyo kooxda Daacish.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Bosaaso, dableey Hubeysan oo ka tirsan Daacish ayaa weerar ku qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo ku sugan bartamaha magaalada, waxaana la soo tabiyay in iska hor imaadkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Askari ka tirsan ciidanka maamulka Puntland iyo xubin ka tirsan dableyda weerarka soo qaaday ayaa ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal, sidoo kalana ilo madax banaan ayaa sheegay in la qabtay mid ka mid ah dableyda weerarka soo qaaday oo iska hor imaadka ku dhaawacmay.

Sidoo kale, Ciidanka Amniga maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaadhi nooca dagaalka ah oo ay saaran yahiin hub iyo waxyaalo qarxa oo sida la sheegay ay doonayeen kooxda Daacish inay qaraxyo uga fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here