Dagaal Culus oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Ceerigaabo

0
1471

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Warar hadda naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in deegaanka Waqa-dariya oo dhinac barri kaga beegan magaalada Ceerigaabo uu goor dhaweyd oo maanta ah ka dhacay dagaal.

Dagaalkaasi oo sababay khaasaro iskugu jira dhaawac iyo dhimashaba, ayaa waxa uu u dhaxeeyay laba beelood oo wada daga deegaankaasi, kuwaasi oo isku mari waayey macdano laga qoto buuro deegaankaasi ku yaala.

Waxaana dagaalkaasi ku dhintay ilaa hadda inta naloo xaqiijiyay Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale, kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta meel deyga laheyn ee labada dhinac isku fureen.

Wararka aan helayno ayaa intaasi waxay ku sii darayaan in weli deegaanka Waqa-dariya laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan Maleeshiyaadka labada Beelood, oo iyagu ku muransan macdanta laga soo saaro deegaankaasi.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo Laamaha Amniga oo ku saabsan dagaalkan maanta deegaankaasi hoos yimaada Ceerigaabo ku dhex-maraya labada Beelood.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa……

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here