Masuuliyiintii Xisbiga Waddani Ee Xidhnaa oo Goordhow Xabsiga Laga Sii Daynayo

0
1150

Hargeisa (Hargeisa Press) – Warar xogogaal ah oo ay helayso Shabakada Hargeisapress.com ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay xukuumada Somaliland xabsiga ka sii dayso Masuuliyiintii xisbiga Waddani ee Xidhan.

Waxaanay wararka aanu helaynaa ay intaa ku darayaan in Xafiiska Xeer-ilaainta Gobolku ay saaka u qortay Maxkamada Gobolka qoraal ay ku sheegayaan in aanay wax dacwad ah u haysan masuuliyiinta xisbiga Waddani ee xidhan oo ay ka mid yihiin Xoghayaha guud iyo Afhayeenka xisbigaasi sidaa darteedna xoriyadooda dib loogu soo celiyo.

Sidoo kale, arintan ayaa ku soo beegmaysa ama ka dhalatay kadib markii guddi is-xilqaantay oo ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbashay ergo ay isku xilqaameen ay ula tageen arinta sii daynta masuuliyiintaasi, sidaa darteenda la filayo in saacadaha soo socda ooda laga qaado masuuliyiinta mudada todobaadka ku dhaw sharci darada u xidhnaa.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…..

Wariye: Xamse Jirde

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY