“Waxaa laga yaabaa in ay adkaato filashadda dadweyanha iyo waxa la qaban karaa”….

0
497

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono midaynta iyo cadaalad u samaynta xildhibaanadda xisbiga ay doonaan haka tirsanaadaane.

C/rasaaq Khaliif Axmed, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa doorashadii shalay waxa uu kursiga guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland u hantay 2 cod oo uu dheeraaday murashaxii la tartamayay.

Waxaanu muujiyay sida loogu baahan yahay in lagu shaqeeyo xildhibaanadu xilalka ay hayaan dadkii u soo doortay, isla markaana hawsha u taallaa ay tahay hawl aad u balaadhan.

Guddoomiye Khaliif, waxa uu sheegay in shacabka reer Somaliland oo u codeeyay isbedel yimaadda  filashadooda ee xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee ay soo doortay iyo waxa ay qaban karaan ay aad u kala weyn tahay.

C/rasaaq Khaliif Axmed, oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ay la yeelatay laanta  af-Soomaaliga ee BBC waxa uu waraysigaasi kaga hadlay arrimo kala duwan.

Dhegayso Waraysiga Guddoomiye Khaliif:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here