EX, Xildhibaan Bidhi Oo Bogaadiyay Doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland

0
500

London (Hargeisa Press)- Siyaasi Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ee shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa dimoqraadiyadda qaan-gaadhay ee somaliland.

Mubaarig Bidhi, oo ka mid ahaa golihii deegaanka hore ee Burco ayaa sheegay in doorashadaasi ay u dhacday si wanaagsan oo hogaamin leh oo is-dhegaysi iyo dimoqraadiyadda ay ku tallaabsatay jamhuuriyadda Somaliland.

Ex- xildhibaan Bidhi, oo u waramay  Sahan TV isagoo ku sugan dalka Ingiriiska waxa kaloo uu sheegay in qaabkii ay shalay u dhacday doorashadii shir-guddoonka Wakiiladda Somaliland in ay guusheedda leeyihiin guddoomiyaha Guurtidda iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.

Waxaanu Mubaarig Bidhi, ku tilmaamay in doorashadaasi ay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaanba qaranka Somaliland, isla markaana ay soo  af-jartay doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay 31-kii bishii May ee sanadkan.

Geesta kale Ex. Xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in ay guusha hanashadda mucaaradka ee shir-guddoonka Wakiiladda ay qayb ka qaateen siyaasiyiinta ka cadhooday xisbiga Kulmiye, kuwaasoo uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi.

DAAWO: EX. Xildhibaan Bidhi Oo Arrimahaasi ka hadlaya:

Hargeisa Press.com Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here