Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Xilka La Wareegay

0
724

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdinaasir Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay, Agaasimaha guud ee cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradaasi Siciid Axmed Cabdikariin.

Munaasibada xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda, ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno ka mida Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Agaasimeyaal Guud, Agaasime-waaxeedyada, madax-qaybeedyada iyo shaqaale-weynaha wasaaradda.

Ugu horayn, waxaa munaasibada hadalo ka jeediyay masuuliyiintii iyo madaxdii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay munaasibada, kuwaasoo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xilka la wareegayey Axmed Abokor Maxamed, iyagoona sagootiyey Agaasimihii hore.

Sidoo kale, waxaa ay shucuur sare ku soo dhaweeyeen Agaasimaha cusub Wasaaradda Axmed Abokor waxaanay sheegeen in uu  xogogaalnimo iyo waayo-arragnimo buuxda u leeyahay hannaanka iyo hab-maamulka Wasaaradda, waxaanay ku booriyeen in uu ka shaqeeyo sidii ay Somaliland ixtiraaf uga heli lahayd dalalka adduunka islamarkaana uu meel sare u gaadhsiin lahaa danaha Somaliland.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo munaasibada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay qaranka u leedahay Wasaaraddani iyo sida loolla dabaal-karo shaqadeeda, isagoona balanqaaday in uu ku shaqayn doono hiigsiga Wasaaradda iyo sidii ay Somaliland aqoonsi buuxda u heli lahayd.

Geesta kale, Agaasime Axmed Abokor Maxamed, ayaa munaasibada kadib waxaa uu booqasho indho indhayn uu ku gaalaa bixiyay Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana uu u kuur galay qaabka ay u shaqeeyaan waaxaha kala duwan ee wasaaradaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Axmed Abokor Maxamed, ayaa hore u soo qabtay xilkan Agaasimaha Guud, isaga oo ka soo kala qabtay Xukuumadii hore ee uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumadan uu hoggaamiyo Madaxweynaha hadda taladda haya Muuse Biixi Cabdi, isaga oo Agaasime Guud ka soo noqday Wasaaradaha, Waxbarashadda oo Laba jeer ah, Warfaarinta, Maalgashiga iyo Gaadiidka, iyadoona Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ay noqonayso Wasaaraddii Shanaad (5aad) ee uu Agaasime Guud ka noqdo iyo markii Lixaad ee uu Agaasime Guud noqdo.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here