“Dad Reer Somaliland Ah Ayaa Dowladaha-shisheeye U Sheega Inay Somaliland Burburayso..”

0
1606
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dad uu sheegay inay reer Somaliland yihiin ku eedeeyay in ay dowladdaha shisheeye u gudbiyaan warar been abuur ah oo sheegaya in Somaliland burburayso.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in ay jiraan dad dowladdaha shisheeye ugu sheekeeya, in Somaliland nabadeedu burburayso, oo dowladnimadii Somaliland gabaabsi ku jirto.

“Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa gadaya ama ajinabiga u sheegaya Somaliland way burburaysa, Somaliland xaaladeedii dowladnimo way sii gabaabsiyaysa, Somaliland xaaladeedii nabadgalyadu way baaba’aysa, waxa loobahanyahay markaa in dowladaha shisheeye ay faragalin Somaliland kusoo sameeyaan” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirku ma carabaabin cida uu eedaynta u jeediyay, lakiin wasiir Kaahin, ayaa todobaado ka hor mucaaradka ku eedeeyay in ay safiirada dowladaha shisheeye ay ku yidhaahdeen qalalaase rida si aanu idinka iyo xukuumada idiin kala dhexgalno.

Wasiirka, ayaa kama danbaystii sheegay in waxa kali ah ee umada ka dhexeeya ee ilaalinteeda laysku raacsanyahay ay nabadatahay, loona baahanyahay in mucaarad iyo muxaafad la wada dhowro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here