Wasiirka Degaanka Somaliland oo Digniin U Dirtay Dadka Ka Ganacsadda Duur-Joogta

0
617

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa digniin adag u dirtay dadka sida sharci darrada ah uga ganacsada xayawaanka Duur-joogta.

Wasiir Shukri Baandare, oo maanta warbaahinta kula hadashay xafiiskeedda waxay sheegtay in sharciga la la tiigsan doono cid kastoo sifo sharci darro ah u ugaadhsatadda noocyadda kala duwan ee duur joogta.

Waxa kaloo ay wasiirku ka hadashay xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan gaar ahaana bulshadda xoolo dhaqatadda ah ee u soo hayaamay goboladda galbeedka Somaliland.

Dadkaasi oo ka soo hayaamay goboladda Bariga dalka oo ay xaalad abaareed ka taagan tahay ayaa muddooyinkan danbe waxay u soo guureen goboladda Gabiley iyo Awdal, oo roobab ay dhawaan heleen.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ka sharaxday waxyaabaha sababay abaaraha iyo roob yaraanta sanadan danbe dalkeenna ka jirta, taasoo ay keentay am aka dhalatay isbedelka ku yimid guud ahaanba cimiladda aduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here