Doonni Ku Qalibantay Beledweyne Oo Dadkii Saarnaa La Baadi Goobayo

0
633

Beledweyne (Hargeisa Press): Dooni ay saarnaayeen 22 qof ayaa maanta ku gadoontay gudaha magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo xarqiyeen fatahaad ka dhalatay  webiga Shabeele ee magaaladda dhex mara oo kar-kaarrada goostay.

Dadka Doontaasi qalibantay  saarnaa waxaa ka mid ahaa  duqa magaaladda Beledweyne Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo dad kaloo rayid ah.

Masuuliyiinta Doontaasi la socday ayaa la sheegay in ku sii jeedeen degaanka Ceel Jaalle oo ay dadku u qaxeen, hase yeeshee intii aanay halkaasi gaadhin ayay Doontu la qalibantay.

  Waxaana ilaa iyo hadda Raq iyo ruuxtoona aan la haynin sideed qof oo ka mid ahaa dadkii Doontaasi shilka gashay saarnaa.

Iyadoo uu weli soconaya baadi goobka lagu raadinayo dadkaasi oo ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee AMISOM, hay’adaha qaramadda midoobay iyo dhalinyaro Dabaasha yaqaana.

Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, “Markii wakhtigu ahaa sideedii subaxnimo waxaa dhacay shil, ka dhacay dooni siday dad samafaleyaal ahaa oo u badnaa saraakiishii dawladda ee maamulka gobolka.

Kuwaasoo u gurmanayay subaxnimadii hore in ay sahamiyaan, meelaha ay dhibaatadu ka jirto, oo u soo shaqo tegayay in ay caawiyaan dadka ay wakiilka u yihiin.

Waxay Doontu kula qalibantay magaaladda dhexdeedda Waadiga mara. Doontaasi waxaa saarnaa dad 22 qof. 14 qof waa laga bad-baadiyay 8 qof-na ilaa iyo hadda nolol iyo geeri lama hayo.

Waxaana lagu guddo jiraa baadi goob ilaa iyo saaka ilaa iyo hadda si aan kala hadh lahayn, maamulka gobolka, hay’adaha UN-ka iyo AMISOM, si wada jir ah ayay baadi goob u galeen”ayuu yidhi Cali Maxamed Caraale, oo la hadlay BBC.

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu sheegay in baadi-goob loogu jiro dadkaasi maqan. Waxaanu yidhi “Doonyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopter)  iyo dad dhalinyaro ah oo Dabaasha yaqaana ayaa baadi goobkaasi ku jira.  Hase yeeshee ilaa iyo hadda laguma guulaysan dadkii in la soo helo maydkoodii iyo noloshoodii intaba”.

 

Fatahaadan webiga Shabeele oo ay sababeen biyo xoogan oo kaga yimid  dhinaca dalka Itoobiya oo uu webigu ka soo bilaabmo.

Sidoo kale roobab mahiigaan ah oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka da’ayay magaaladda Beledweyne iyo hareeraheedda ayaa sababay fatahaadaasi.

Geesta kale C/fataax Xasan Afrax, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, ayaa ka mida dadkii ka bad-baaday Doontaasi qalibantay waxaanu ka warbixiyay sida Doontu u rogmatay.

Waxaanu yidhi   “Doontu markii ay dhex maraysay magaaladda Beledweyne, xaafadda Xaawa Taako, ayay rogmatay. Dhimashadda inta aan anigu aqaano waxay gaadhayaan ilaa toban ruux. Inta ka bad-baadayna dhawr iyo toban qof ayay ahaayeen, si dirqi ah ayaa lagu bad-baadiyay.

Waxaana ka nimid aniga iyo maayarka Beledweyne ee hadda, waxaan ka nimid degaanka aanu deganayn ee magaaladda gudaheedda, saldhiga booliska gobolka Hiiraan, buundadda weyn xaafadda ku taalla ayaan ka soo raacnay Doonta”.

“Nin ka mid ahaa raggii Doonta waday iyo gabadh iyo niman dhalinyaro ahaa oo Xamar u socday ayaa shilkaasi ku dhintay.  Saacado ayaan biyaha ku dhex jirnay, gurmadkuna wuu iska liitay.

Waxaan u mahad celinayaa sarkaal u shaqeeya hay’adda WFP iyo sarkaal kale oo u shaqeeya hay’adda DRC, oo gurmadkii u horeeyay noo sameeyay”ayuu yidhi guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo u waramay BBC.

C/fataax Xasan Afrax, waxa uu  sharaxay waxa loo aanayn karo ama keenay in Doontu qalibanto, waxaanu yidhi “Laba arrimood ayaa keentay in ay Doontu rogmato, mid waxay ahayd tiradda dadka saarnaa Doonta oo aad u badnaa.

Ta labaad Doontu biyo ayay ku kor socotay, markii la soo gaadhay meel biyo badan oo Mawjado tuuraysay, ayuu Naakhuuduhu isku deyay in uu Mawjadaa ka hor tago.

Ka joog ayaanu ku nidhi, wuu ka dhego adaygay, markii uu Mawjadii galay biyihii ayaa soo galay Doonta, markaas ayay Quustay Doontii.

Biyuhu way badnaayeen, sida loo bad-baadaana way adkayd, anagoo dabaasha naqaanay ayaa bad-baadnay. Dadka qaarkood Dabaasha may aqoonin. Labadaas ciladood ayaa keentay in ay Doontu rogmato”.

Dhinaca kale waxaa jira dad ku go’doonsan xaafado ka mida magaaladda Beledweyne oo ay biyuhu xanibeen, kuwaasoo aan haysan meel ay u baxaan, isla markaana guryahoodii ay biyuhu galeen.

Xaafadaha ay dadku ku xaniban yihiin waxaa ka mida xaafadda Heegan. Sidoo kale dad gaadhaya ilaa 2500 oo qoys oo ku jiray xerooyin barakaceyaal ayaa la sheegay in ay  go’doonsan yihiin.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here